Dowladda Talyaaniga (MAECI) Deeq waxbarasho

Wasaaradda Arrimaha Dibadda (MAECI) waxay ku ku iclaamisay inay furantahay deeqda waxbarasho ee Dowladda Talyaaniga (MAECI) 2024-25. Deeqda MAECI waxaa loogu talagalay ardayda ajaanibta ah. Deeqdan waxbarasho ayaa loogu talagalay ardaydu inay ku sii wataan barnaamijyada shahaadada Masterka iyo PhD ee Jaamacadaha Talyaaniga. Iyadoo loo marayo deeqdan waxbarasho, Waxayna u furan tahay muwaadiniinta ka kala socda 139 waddan.

Deeqdan waxbarasho ayaa la bixin doonaa muddo 9 bilood ah. Deeqdan waxbarasho ayaa ujeedadeedu tahay in dhaqaale ahaan lagu taageero ardayda aan awoodin inay iska bixiyaan kharashaadka. Deeqda waxbarasho waxaa ku jira gunno bille ah, kharashka waxbarashada, iyo caymiska caafimaadka. Dhammaan codsadayaasha waa in lagu soo gudbiyaa onlayn iyada oo loo marayo “Study in Italy” website. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shuruudaha deeqda waxbarasho iyo habka codsiga ayaa hoos ku xussan.

Dalka: Talyaaniga
Magaca: MAECI (Waxbarashada Talyaaniga) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda
Heerka : Master iyo PhD
Xilligu xidhmayo: 14 Juun 2024

Shuruudaha scholarshipkan

Ardayga codsanaya barnaamijka shahaadada mastarka waa inu dhamaystiray darajada koobaad ee jaamacadda wakhtigaas.
Da’da 28 jir ama ka yar wakhtiga codsiga barnaamijka Masterka
Haddii aad codsanayso barnaamijka PhD, waa in aanad ka weynayn da’da 30 sano wakhtiga codsiga.
Ardaygu waa inuu awood u leeyahay inuu caddeeyo aqoontiisa luqadda Ingiriisiga oo u haysto shahaadada IELTS ama shahaado kale o u dhiganta.

Wadamada codsan kara

https://studyinitaly.esteri.it/ListaBandi/ScaricaFileBando?ID=DAAAAGMziLh76gFRVfI%2fGRAAAAAqb7oVgYi38gXaqwwAH%2f2iqGoekrqbIgCmb0eI%2bx%2fYmpXBMw%2fAWepsUC824OG1qy0cczDx

Buuxinta foomka qaab online ah.

Baasaboor

Shahaado iyo natiijoyinki (transcripts)

2 waraaq oo recommendation letter ah

Shahaado Ingiriisi ah

CV

Sidee loo Codsadaa MAECI?

Waxaad ka xerayb kartaa foormka website-ka ay u qoondaysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaanigu, “Study in Italy” . Uma baahnid inaad marka hore hesho aqbalaadda jaamacada.
Habka codsiga ee deeqda waxbarasho ee MAECI iyo aqbalaadda jaamacaddu waa kala duwan yihiin.
Marka laguu doorto deeqda waxbarasho ee MAECI kadib ayaad dalbanaysaa aqbalaadda jaamacadai.

Bogga rasmiga ahhttps://www.esteri.it/en/opportunita/borse-di-studio/per-cittadini-stranieri/borsestudio_stranieri/